Dhageyso Duqa Beesha Biimaal Ee Jiddah Xaaji Cumar Moordo “Qabiil Ahaaw Ama Maamul Ahaaw, Dhulkaan Waxa Iska Leh Beesha Biimaal Iyadaana Ku Guuleysaneysa Dagaalka Aad Kusoo Qaadeen”

Duqa Jaaliyadda Beesha Biimaal Xaaji Cumar Maxamed Cali (Moordo) ayaa ka hadlay dhibaatada iyo barakaca ka jira deegaanada Beesha Biimaal ee Gobolka Shabeelada hoose.

Xaajiga ayaa ugu horeyn sheegay in loo baahnyahay isku duubni iyo wax isla qabsi si looga guuleysto dagaalada cadowtooyo ee lagu soo qaaday Shacabka aan hubeysneyn ee Beesha Biimaal,  waxaana uu intaa ku daray in aan loo baahnayn kala tag sida uu yiri.

Waxa uu ku nuux nuuxsaday in Beesha Biimaal oo horey usoo gashay dagaalo ay weligeed isu dhiibin cadowgeeda oo ugu horeeyey Gumeystihii Talyaainga, ka dibna lasoo maray dagaalo dhul boob ah oo intooda badan Beesha loogu qasbayey inay u dulleysnaanto kuwa ku duulay.

Waxa hadalkiisa uu ku daray Xaaji Cumar Moordoo Duqa Jaaliyada Beesha Biimaal ee Boqortooyada Sacuudiga in dagaalada hada socda Guushooda ugu dambeysa ay leeyihiin Beesha lagu duulay oo la baday shacabkeeda Barakac iyo dhibaato aan weli ku dhicin Beelaha kale ee dega dhulka Soomaalida.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open