Dhageyso Ergeyga Qaramada Midoobe Ee Soomaaliya Oo Si Adag Uga Hadlay Doorashooyinka Soomaliya, Amaanka & Musuq-maasuqa

Danjiraha Q.M. ee Soomaaliya Michael Keating, ayaa ka hadlay doorashada lafilayo inay dhawaan ka dhacdo Soomaaliya, Waxa uu tilmaamay inay jiraan walaac ku xeeran doorashadaasi oo ay ka mid yihiin Ammaanka iyo Musuq maasuq.

Waraysi uu siiyey Idaacada VOA ayaa wuxuu ka hadlay Doorashadii Aqalka Sare, Xubnaha dhiman ee maamulka Somaliland iyo Hir-shabeele, Wuxuuna sidoo kale ku baaqay in la adkeeyo Amaanka Musharixiinta.

Wuxuu sheegay in maalmaha soo socda uu Rajaynayo inay Bilaabato Doorashada Aqalka Hoose, Wuxuuna sheegay in cid gaar ah aan Xiligan lagu fiiqi karin Dib u dhaca Doorashada, Laakiin Wuxuu sheegay in Waqtigii Afarta Sano ah ayna Madaxda Soomaaliya dhinaca Doorashada isku Diyaarin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open