Baarlamaanka Koonfur galbeed Oo Madaxweyne Shariif Xasan U Codeeyey In Uu Tartamo Xilka Ugu Sareeya Dalka (Sawiro)

Baarlamaanka Maamulka Koonfur galbeed ayaa shir ay la qaateen Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan u codeeyey in uu u tartamo tartanka Madaxweynimo ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Baydhaba ayaa waxa ka qeyb galay xildhibaano iyo Gudoonka Baarlamaanka Maamulka K/galbeed, waxaaana Madaxweyne Shariif uu xildhibaanada weydiistay in ay u ogolaadaan sidii uu isu soo taagi lahaa u tartamidda dooorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa kaloo Shariif uu Baarlamaanka weydiistay isagoo haaya xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed, uu isu soo sharaxo, waxaana taas lagu micneeyey in xilka uu u tartami doono hadii uu ku guul dareysto uu dib ugu soo laabto kurisgiisa.

Baarlamaanka ayaa wada hadal dheer ka dib Madaxweyne Shariif Xasan u ogolaaday inuu isu taago tartanka doorashada, isagoo aan iska casilin xilka uu haayo.

Maamulka Koonfur galbeed oo u dhaqma sidii Maamul uu hogaamiye ka yahay hogaamiye kooxeed ayaa ku fashilmay wax u qabashada Shacabka, waxaana xilkiisa ugu sareeya iyo kan ugu hoose isku haaya Madaxweyne Shariif Xasan.

01-5 04-6 05-3 06-3 06-4

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open