Faafaahinno Dheeri Ah Oo Kasoo Baxaya Weerar Ismaadaamin Ah Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka la helayaao ayaa sheegaya in fiidkii Caawa weerar ismaadaamin ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Sayidka.

Qarax uu fuliyey ruux naftii haliiga ah oo watay gaari walaxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa isku qarxiyey Isgoyska Sayidka oo xilligaas ay ku sugnaayeen Ciidamo watay gaadiid Gaashaaman oo sugayey amaanka goobaha ku dhow dhow Madaxtooyada.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in weerarka ismaadaaminta uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, askarta ku sugneyd goobta leysku qarxiyey ayaa saraakiishta Madaxtooyada waxay sheegeen in uu soo gaaray khasaare.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta, si ay ugu gurmadaan dadka waxyeelada uu u geystay weerarka, , lamana sheegi karo khasaaraha dhabta ah uu dhaliyey weerarka.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay weerarkan Ismiidaaminta ah ee caawa fiidkii ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn Madaxtooyada, waxaana ay ku faaneen in ruux naftii halige ah oo ka tirsan uu isku qarxiyey Ciidamo sirdoon oo watay gaadiid gaaraya ilaa todobo gaadiid.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open