Madaxweynaha Maamulka K/galbeed Oo Khudbad Dhiira gelin Ah U Jeediyey Ciidamo Uu Ku Booqday Degmada Xudur (Sawiro)

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan oo safar deg deg ah ku tagay magaalada Xudur  ee Gobolka Bakool ayaa qudbad dhiira gelin ah wuxuu u jeediyey Ciidamo ku sugan Xero ku taalla Xudur.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka Xasan Eelaay iyo Xildhibaano ayaa Ciidamada uu la kulmay ku dhiira geliyey la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Khudbada Madaxweyne Shariif Xasan ayaa la sheegay in ay ku socotay Ciidamada taas oo uu kaga gol lahaa sidii Ciidamada ay u qaadi lahaayeen weeraro.

Ciidamo K/galbeed oo dhawaan ka baxay Deegaanmka Goof-gaduud ayaa ka cawday tixgelin la’aan iyo Maamulka oo ay kuu eedeeyeen in ay ka waayeen xuquuqdii Ciidanka, walow markii dambe dib loogu celiyey Goof-gaduud markii loo balan qaaday in wax laga qaban doono cabshooyinkooda.

01-7 02-8 03-7 04-8 05-5 06-6 07-3 08-1

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open