Magacyada Xildhibaanada Kusoo Baxay Codeynta Xubnaha Aqalka Hoose Ee Ka Socota Magaalada Garowe

Waxaa maanta magaalada Garoow ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaliya, kuwaasi oo ka imaanaya deegaanada Puntland, Waxaana Halkaasi ku sugan Guddiga Doorashada Heer Federaal Iyo Guddiga Doorashada dadban.

Kursigii kowaad ee Puntland ku yeelato Aqalka Hoose ee Soomaaliya , Waxaa ku guulaystay Cali Yuusuf Cali Xoosh kadib markii uu 49cod kaga guulaystay Cabdirashiid Xasan Yuusuf oo isagu helay 1cod.

Kursigii labaad ee Puntland ku yeelato Aqalka Hoose oo ahaa Kursiga Beesha Ogayslabe, waxaa ku guulasytay Siciid Daahir oo 44cod kaga guulasytay Faduumo Ismaaciil bootaan oo heshay 7cod.

Kursigii Sadexaad ee Puntland ku yeelato Aqalka Hoose oo ahaa Kursiga Beesha Dishiishle waxaa ku guulasytay Cumar Ismaaciil Waberi oo helay 28cod, waxaa la tartamayey Maxamed Cabdi Cismaan oo 22 cod helay,

Kursigii Afraad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose , oo ah Kursiga Beesha Madhibaan waxaa ku guulaystay Cilmi Cumar Caynsane oo helay 27cod.

Kursigii Shanaad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose, oo ahaa Kursiga Beesha Bahmajeerteen/Warsangeli, Waxaa ku guulaystay  Axmed Ismaaciil Maxamed Xaaji oo helay 38 cod, waxaa uu ka guulaystay Iimaan Maxamed Cashuur oo helay 12cod .

Kursigii Lixaad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose oo ahaa kursiga Beesha Cali Saleebaan , waxaa ku guulaystay Maxamuud Xayir Ibraahim oo helay 37cod , Cabdisamad Abwaan waxa uu helay 12cod , halka Cabdixaafid Cali Yuusufna helay 2cod.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open