Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada hoose Oo Booqanaayo Degmooyin Gobolkaas Ku Yaalla (Sawiro)

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose ayaa booqasho waxay ku marayaanq eybo badan oo ka mid ah Gobolka.

Gudoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax, ku xigeenka xaga dhaqaalaha, Taliyaha Boliiska Gobolka Shabeelada hoose iyo xubno kale ayaa booqashooda waxay ku hormareen deegaano hoos taga degmada Qoryoole.

Kulamo ay laa qaateen Dadka deegaanka ayaa mas’uuliyiinta waxay u sheegay in Gobolka ay dhibaatooyin ku hayaan maleeshiyada Al-shabaab oo ku sugan inta badan deegaanada Hoos yimaada Qoryoole.

Mas’uuliyiintan oo u kuur galaya xaalada Gobolka Shabeelada hoose ayaa saacadahii lasoo dhaafay gaaray deegaanka Shalambood, waxaana ay wadaan kulamo iyo wadatashiyo ay la leeyihiin Dadka deegaanka iyo Saraakiisha Ciidamada Amisom.

Lama oga in wadigana ay tagi doonaan deegaanada y ku xooganyihiin Ciidamada deegaanka Beesha Biimaal oo wajahaya dagaalo xoogan oo kaga imaanaya maleeshiyada Alshabaab.

14962590_1149170551836753_3314718382288853614_n 14937476_1149170558503419_7685063904036950164_n 14937173_1149170565170085_6219980880507274425_n 14900394_1149170568503418_9105107441646911110_n

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open