Saarkiisha Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed Ayaa Ku Goodiyey In Ay La Wareegayaan Degmada Tiyeeglow

Saraakiisha Ciidamada ee ka howl gala Gobolada Koonfur galbeed ayaa ka warbixiyeey howlgal dhawaan ay ku qaadayaan deegaano ka titsan Gobolka Bakool.

Geanaraal Ibraahim Isaaq Yarow Taliyaha qeynbta lexdanaad ee Ciidamada waxa loogu yeero xooga, ayaa sheegay in wadaan diyaar garow sidii ay ula wareegi lahaayeen Degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolka Bakool oo ay ku xooganyihiin dagaalyahaanada Maleeshiyada Alshabaab.

Ibraahim Isaaq Yarow ayaa ku goodiyey in Maleeshiyada Shabaab laga fara maroojin doono degmada Tiyeeglow oo maalmo ka hor ay la wareegeen, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidamada Itoobiya.

Ciidamo ku sugan degmada Xudur oo loo diyaariyey in ka qeyb qaataan howlgallada ayaa waxa la gaarsiiyey saanad Milatri iyo agabkii ay ku howlgali lahaayeen, waxaana la filayaa in bilaabaan dagalada ay kaga soo horjeedaan Shabaab.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open