Dagaalka Ka Socda Magaalada Gaalkacyo Oo Xoogeystay Kuna Fiday Goobo Hor Leh

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dagaalo culus ay ka socdaan magaaladaas, gaar ahaana dhinaca Kontoraalka Koonfureed & Galbeedka magaalada.

Dagaaladan oo saakadii hore bilowday ayaa geystay khasaare iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac hor leh, waxaana la maqlayaa hugunka hubka culus.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay arkeen dhaawacyo loo qaadayo goobaha Caafimaadka, iyadoo ay ciidamada Puntland ka gudbeen qeybo kamid ah Xaafadda Baraxlay.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay la dagaalamayaan maleeshiyaad maalmahana isku aruursanayay qeybo kamid ah magaalada, kuwaas oo ay ugu horeeyeen kuwa Galmudug.

Nabdoon Xasan Gurey oo ka mid ah Waxgaradka Gaalkacyo ee dhanka Puntland ayaa Maleeshiyada Galmudg ku eedeeyey in ay weerar soo qaadeen isagoo intaa ku daray hubka dheereeya ay la fuuleen dabaqyada oo ka ridayaan rasaas xoogan.

Xaalad ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana la saadaalin karin sida xaalku saake yahay, inta badan shacabka ayaa ku daadsan daafaha magaalada Gaalkacyo, iyadoo la sugayey in xaalada lasii qaboojiyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open