Dhageyso Dagaalo Dib Uga Soo Cusboonaaday Magaalada Galkacyo

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug uu ka Biloowday Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, Iyadoona dagaalka oo Sii Xoogaystay la isku Adeegsanayo Madaafiic iyo Hubka Noocyadiisa kala duwan, Wuxuuna kusoo Durkay dhinaca Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay Barbar socoto Madaafiic ay Ridayaan Labada dhinac, waxaana Dagaalka laga Maqlayaa Xaafadaha ay ka Kooban tahay Magaalada Gaalkacyo, Sidoo kalana Waxaa sii Kordhaya Khasaaraha uu Dagaalka dagaalku Gaystay, Iyadoona la Xaqiijiyey Dhimashada Sadex Ruux.

Warar kale ayaa ku waramaya in dagaalka xoogiisa uu ka socdo Saldhiga Ciidamada Galmudug ay ku leeyihiin xaafada Garsoor iyo Sartii Gallayda, waxaana aad loo maqlayaa rasaasta labada dhinac.

Dagaalka saake ayaan la ogeyn cida sida saxda ah u bilowday iyadoo dadka ay sugayeen in la kala qaado Ciidamada isku horfadhiyey aagagii lagu dagaalamay.

Waa dagaalkii labaad oo dhex mara ciidamada kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug tan iyo markii uu soo shgaac baxay heshiiska C/kariin Guuleed iyo C/weli Gaas ay ku kala saxiixdeen Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open