Goormaa Lagu Wadaa In Magaalada Kismaayo Ay Ka Qabsoonto Doorashada Aqalka Hoose

Maamulka Jubbaland oo ka mid ah maamulada ka jira dalka ayaa sheegay in dhawaan Magaalada Kismaayo ay ka bilaaban doono doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.

Maxamuud Xasan Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in 10 bishaan ay noqon doonto maalinta ay si rasmiga ah u bilaabi doonaan doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.

Magaalooyinka Baydhaba,Kismaayo, Cadaado iyo xarumaha maamul Goboleedyada ayaa si aad ah waxa looga dareemayaa dhaq dhaqaaqa doorashooyinka Xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka fedaraalka..

Magaalada Garowe ayaa maalintii labaad waxa ka socdo doorashada aqalka hoose, waxaana shalay la doortay ilaa 10, mudane.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open