Madaxweynaha Jubbaland Oo Ayaan Daro Ku Tilmaamay Dagaalada Dib Uga Soo Cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose waxa gaaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Labada Gole ee Maamulka Jubbaland.

shirjaraa’id oo uu ku qabtay Madaxwaynaha garoonka Diyaaradaha ayuu waxa uu kaga hadlay Dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo isagoo xusay in ay masuuliyad daro tahay in dhiig Soomaaliyeed bilaa macno lagu daadiyo wuxuuna Maamulada Puntland iyo Galmudug ku booriyay in ay xaqiiqada wajahaan oo ay dagaalka joojiyaan.

Magaalada Gaalkacyo ayuu Madaxweynahu xusay in ay dhisanayaan dadka wada dagan islamarkaana aysan jirin cid laga rari karo balse loo bahan yahay in nabad lagu wada noolaado oo laga wada shaqeeyo sidii hab nabadgalyo ah loogu wada daganan lahaa.

Wuxuu intaas ku daray in maalmaha soo socda ay gudi u dirayaan Gaalkacyo waxaana uu ka dalbaday in Puntland iyo Galmudug ay ilaaliyaan Heshiiskii lagu saxiixay Imaaradka oo dhigayay in 20-ka bishan wajiga kale oo Heshiiska kamid ah in Kismaayo lagu qabto.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Safar shaqo ah uga maqnaa Magaalada Kismaayo, isagoona gaaray Wadamada Imraadka Carabta iyo Kenya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open