Paul Scholes Oo U Sheegay Jose Mourinho Shaxdii Uu Soo Xulan Lahaa Haddii Uu Ahaan Lahaa Tababaraha Manchester United

Paul Scholes ayaa shaaca ka qaaday shaxdiisa ugu fiican ee Manchester United ee ciyaartoyda haatan jooga, waxaana uu u sheegay Jose Mourinho inuu ugu yaraan u tartamo booska kaalinta afaraad ee horyaalka Premier League.

Halyeeygii hore ee Red Devils ayaa sidoo kale ku baaqay in Bastian Schweinsteiger la siiyo fursad kale ka dib markii uu tababaraha reer Portugal uu kooxda ka saaray xiddigii hore ee Bayern Munich.

Scholes ayaa aaminsan in United ay ku soo shir tagto shax ciyaareedka 4-3-3 islamarkaana Mourinho uu isticmaalo orodka Marcus Rashford iyo Anthony Martial ee seddexda afka hore.

 “Chris Smalling iyo Eric Bailly sida iska cad” ayuu Scholes u sheegay BT Sport markii la weydiiyay inuu soo xusho shaxdiisa ugu fiican ee United. “Luke Shaw marka uu taam buuxda yahay. Antonio Valencia isna wacdarro ayuu ku dhigayaa daafaca midig.”
manchester-united-11-banner

Scholes ayaa ku raacay ninka ay iska shaqeeyaan BT Sport Steve McManaman in Michael Carrick ay qasab tahay in laga ciyaarsiiyo booska burburiyaha khadka dhexe iyadoo ay caawinayaan Ander Herrara oo garabka midig ka taagnaanaya iyo Paul Pogba oo garabka bidix ka istaagaya, laakiin waxa uu sidoo kale dareensan yahay in xiddiga la ilaaway ee Jarmalka Schweinsteiger isna fursad la siiyo mararka qaar.

“Schweinsteiger waa qasab inuu hayo waxa uu ku kooxda ku soo kordhin karo” ayuu yiri Scholes. “Waxa uu u saftay 130 kulan xulka Jarmalka. Waa qibrad weyn oo ay tahay in laga faa’ideysto.”

Markii uu dhameystirayay shaxdiisa, Scholes ayaa qirtay in Mourinho ay tahay inuu hal xiddig oo weyn uu ka saaro shaxdiisa.

“Waxaa soo xulan lahaa Martial iyo Rashford madaama ay orod badan yihiin. Waa qasab in labadaas la ciyaarsiiyo, ka dibna waa in la soo xusho midkood Zlatan Ibrahimovic ama Wayne Rooney.”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open