Dhageyso Madaxweyne Xasan Sheekh ”Colaada Gaalkacyo In Kabadan Qarni Ayay jirtaa, Ma Dhalan Maanta Iyo Shalay”

Madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in dowladda Federaalka ay hurineyso dagaalka Gaalkacyo, kaddib markii Maamulka Puntland uu ku eedeeyay in dowladda ay qeyb ka tahay dagaalka, gacanna ay siineyso Maleeshiyaadka Galmudug.

Wareysi uu Madaxweynuhu siiyay Telefishinka Universal ayuu ku sheegay in Dowllada Faderaalka aysan wax luga ah ku laheyn dagaalka Gaalkacyo, isagootilmaamay in mar walba Dowlada Ay ka Shaqeyneyso si loo joojin lahaa Colaada Gaalkacyo.

Xasan Sheekh ayaa daboolka ka qaaday in dagaalka Gaalkacyo uusan bilow ahayen hase ahaatee uu socdo in ku dhow hal qarni, isagoo tusaalooyin usoo qaatay heshiiskii 1993-dii Gaalkacyo ku dhex maray Ceydiid iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf iyo heshiiskii 1960-kii ee Imaad Cumar hoggaaminayay.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid looga jawaabayo hadal kasoo baxay Maamulka Puntland oo dowlsada fedaraalka ku eedeeyey in hurineyso colaada Gaalkacyo

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open