Dhageyso Taliyaha Daraawiishta Puntalnd “Askar Badan Baan Ka Dilnay, Kuwana Waan Ka Dhaawacnay, Qaar Maxaabiis Ahaan Aan U Qabanayna Waa Jiraan”

Taliyaha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamuud Ashkir oo La hadlay Warbaahinta ayaa Faahfaahin ka bixiyey dagaalkii kadhacay magaalada Gaalkacyo Kaasi oo dhexmaray Ciidanka Puntland iyo Galmudug.

Wuxuu sheegay Taliyaha inay dagaalka Khasaare Xoogan ugu Gaysteen dhinaca Galmudug, “Waxaanu ka dilnay 80-Qof, Waxaana dhaawac ah 130, Sidoo kalana waxaa Jira Maxaabiis dhaawac ah iyo Gaadiid aanu ka Qabsanay” Ayuu yiri Taliayaha Ciidamada Daraawiishta Puntaland.

Dagaalkii shalay ayaa Ahaa midkii ugu Xoogaanaa ee dhexmara Labada dhinac, waxaana lagu soo waramayaa in weli xaalada Gaalkacyo ay tahay mid kacsan oo saacad kasta la filan karo in dirirtu halkeedi kasii socoto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE