Doorashada Aqlka Sare Ee Maamulka Hirshabelle Oo Maanta Ka Qabsoomi Doonta Magaalada Jowhar

Waxaa Maanta lagu wadaa iney Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ka bilaabato Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabeelle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa shaaca ka qaaday in maanta galinka hore la dhagaysanayo Khudbadaha Musharixiinta u taagan Aqalka Sare,wuxuuna hoosta ka xariiqay in galinka danbe ee Maanta  la guda gali doono Doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Doorashada xubnaha aqalka sare oo la qorsheenayey in ay qabsoonto maalintii shalay ayaa dib dhacday, waxaana liiska xubnaha u tartamaya aqalka sare oo habeen hore lasoo saaray ku jira Siyaasiyiin uu ka midyahay Muuse Suudi Yalaxow.

Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la dadajiyo hawlaha doorashooyinka labada Aqal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open