Gudoomiayaha Gobolka Shabeelada Hoose Iyo Ku Xigeenkiisa Dhinaca Dhaqaalaha Oo Gaaray Deegaanka Ceeljaale

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo ku xigeenkiisa dhinaca dhaqaalaha C/fataax Caaji Cali ayaa maanta gaaray deegaanka Ceeljaalle ee Gobolka Shabeelada hoose.

Waxa wafdiga ka mid ah Taliyaha qeybta Boliiska ee Gobolka Shabeelada hoose Cabdi Shaamow, iyo xubno kale kuwaas maalmahan ku sugnaa deegaanka Shalambood.

Gudoomiye Najax iyo xubnaha la socday oo kulamo kala duwan deegaanka Shalambood kula soo qaatay horjoogayaasha Mooryaanta ayaan laga war helin warbxinada ay kala qaateen, waxaana xog hoose ay ku warantay in kulamo gaar ah ay qaateen Ibraahim Najax iyo Mooryaanka lagu magacaabo Nuur Jiidaaw oo inta badan Shalambood ka barakiciyey dadkii deganaa.

Booqashada maanta ay ku tageen Deegaanka Ceeljaale ayaa laga yaabaa inay halkaas kulamo kula qaataan Mas’uuliyiinta deegaanka, Saraakiisha Ciidamada deegaanka iyo Shacabka si ay ugu madadaaliyaan kulamo aan lahaan doonin wax natiija ah.

Ibraahim Najax oo horey marar kala duwan u booqday Ceeljaale ayaa looga bartay in warbaahinta uu siiyo warar uu uga xaglinayo Mooryaanta, isago ka been sheega shirarka iyo kulamada ay la qaataan dadka deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open