Guluf Kooxda Daacish Looga Saarayo Magaalada Raqqa Oo Ka Bilowday Dalka Suuriya (Sawiro)

Ciidamo Suuriyaan ah oo uu taageerayo Mareekanka ayaa bilaabay howlgal ka dhan ah Magaalada xarunta u ah kooxda Daacish ee Raqqa.

Duulaankan oo la sheegay in lagu doonayo in lagu soo afjaro kooxda khilaafada Islaamka oo muddo maamuleysay magaalada istaraatiijiga ah, ayaa la qorsheeyey in uu qaadan doono muddo hal bil ah, waxaana la saadaalinayaa in dagaalka waqtigiisu dheeraado.

Xoogaga uu taagerayo Mareekanka oo ay ku jiraan Ciidamo Kurdi ah ayaa weerarka qeyb ka ah, waxaa jiraa aragtiyo kala duwan oo laga bixinayo ka qeyb galka Kurdiyiinta, maadaama magaalada Raqqa ay tahay magaalo Carbeedeed.

Dowlada Turkiga ayaan ku qanacsaneyn in weerarkan iyo gulufka ku socda magaalada kooxda Daacish u ah xarunta ugu weyn ee ay ku leeyihiin Suuriya, Turkiga ayaa xoogga Kurdiyiinta u arka kuwa argagaxiso.

Duulaankan soo daahay ayaa Ciidamada Mareekanku waxay qorsheenayeen in ay qaadaan markii la weeraray magaalada Mosul ee dalka Ciraaq si loo xadido firxadka kooxda ee galaya dalka Siiriya.

raqa raqa1 raqa2 raqa3

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open