Maleeshiyada Alshabaab Oo Weerar Fashilmay Kusoo Qaaday Deegaanka Ceeljaalle

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa xalay waxay weerar dhicisoobay ay kusoo qaadeen deegaanka weynaha Ceeljaalle ee duleedka magaalada Marka.

Rasaas kooban oo u badnaa qoryaha PKM-ka ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe lagu soo weeraray deegaanka, waxaan weerarka lagaga soo qaaday deegaan dhanka Koonfureed ee ku beegan deegaanada Ceelcadow iyo Lexmooro.

Ciidamada difaaca deegaanka ayaa iska caabin xoog badan kaga hortagay Maleeshiyada weerarka soo qaaday, waxaana la kala direy maleeshiyada, iyadoo ay awoodi waayeen in ay sii wadaan weerarka.

Saake aroortii Ciidamo ku baxay raadka halkii laga soo qaaday weerarka ayaa howlgal ku tagay ilaa duleedyada deegaanka, waxaana ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen maleeshiyada, waxaana ay soo arkeen raadka oo ka hoobtay buuraha Deegaanka Shalambood.

Ciidamada deegaanka ee Beesha Biimaal ayaa wajahaya dagaalo culus oo ay kusoo qaadayaan isbaheysi loo sameeyey in ay burburiyaan deegaanada Beesha Biimaal islamarkaana ay la dagaalamaan Ciidamada deegaanka ee kasoo horjeeda in lagu maamulo deegaanadooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open