Maleeshiyada Maamulka Galmudug Oo Toogtay Wadaad Ka Tirsanaa Culimada Tabliiqa

Wararka saake ka imaanay magaalada Gaalakcyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Maleeshiyada Galmudug ay koonfurta Galmudug ku toogteen Wadaad caan ah oo ka mid ahaa Culimada Tabliiqa.

Wadaadka la toogtay oo lagu magacaabo Cabdi Yare Boqol ayaa la sheegay in laga qafaashay meel ku dhow xaafada Gaalkacyo Wada Jir, waxaana maleeshiyaadka afduubka u geuystay ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa koox maxbuus ahaan ay u qabteen.

Ninkan wadaadka ayaa sida la sheegay caan ku ahaa wacdiga isagoo dadka xasuusin jirey Cabsida Alle, iyo in la baqo cadaabta aakhiro, waxaana maalmihii lasoo dhaafay la sheegayaa in uu wadan jirey gaaru Noaha ah oo lagu xireya sameecado.

Cod baahiyasha ayaa dhawaanahan laga baahin jirey siday ku warameen dadka yaqaana Cabdi yare in laga fogaado xalaaleysiga dhiiga muslimka iyo dagaalada Gardarada isaga gudbi jiray waqooyiga iyo koonfurta.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open