Musharax Xisbiga Jamhuuriga Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Dadka Soomaaliyeed Ee Ku Nool Gobolka Minnesota

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Soomaalida kunool Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Donald Trump ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay Musiibo ku yihiin Gobolka Minnesota sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna ku eedeeyey dadka Soomaaliyee iney taageeraan kooxda Dowladda Islaamiga ah ee lamaga baxday ISIS.

Donald Trump ayaa dhowr jeer oo hore eedo usoo jeediyey dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Maraykanka,Hadalka Trump ayaa walaac horleh ku abuuray Soomaalida Maraykanka ku dhaqan.

Hadii doorashada Madaxtinmada Mareekanka uu ku guuleysto Trum ayaa dad badan o Muslimiin ah waxa ku adkaan doonta inay ku noolaadaan dalka Mareekanka, waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa in ay dhacaan kacdoono ay dhigaan dadka islaam naceebka ku beeran.

Dalka Mareeknaka ayaa maalinta Talaadada ah oo berito ku beegan loo codeen doonaan labada Musharax ee Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiyada, waxaana la ogaan doonaan shakhsiga kusoo bixi doona doorashada adag ee dhex maru doonta musharaxiista.

Haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa wada saacadihii ugu dambeeyey ee ololaha dalka Mareekanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open