Deg Deg Ciidamada Deegaanka Oo Gaari Ka Gubay Isbaheysiga Mooryaanta Iyo Shabaab, Iyadoona Lagu Raadjoogo Xoolo Ay Dhaceen

Wararka naga soo gaaray Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada deegaanka ee Beesha Biimaal  weerar jid gal ah ku qaadeen kooxo ka tirsan Isbaheysiga ka kooban Mooryaanta Habar gidir iyo Maleeshiyada Alshabaab.

Weerarka jidka loogu galay Kooxdan ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska deegaanka Busley-daa’ud, waxaana warar hor dhac oo aan heleyno ay sheegayaan in halkaas lagu gubay gaari Caasi (homey) oo ay wateen.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada deegaanka oo goor dhow la hadlay Markacadey.com ayaa sheegay in howlgalka oo weli socda ay ku beegsadeen Gaariga oo ay tuhunsanyihiin inay saarnaayeen ilaa in kabadan 10 maleeshiyo, waxaana hadalkiisa uu intaa ku daray in gaariga Caasiga ah ay la heleen Xabad Sawan ah.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa xaqiijiyey in ay hubiyteen gubashada Gaariga, oo ay ku heleen isgoyska Busley-daa’uud oo ay ku xooganyihiin Mooryaanta Habar gidir ee xooga ku haaysata Beeraha Gobolkla Shabeelada hoose, kuwaas oo hada isbaheysi la sameystay Maleeshiyada Alshabaab.

Dhainaca kale Cidamada deegaanka ayaa ku raadjooga Maleeshiyaad isbaheysigan ka dhigan oo Geel ka dhacay deegaanka Nagaada-weyne, waxaana ay ku wareen howlgalka ka dib in ay ka warbixin doonaan natiijada howlgalkooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open