Dhageyso Warbixin Kooxda Qaramada Midoobe Ee Lasocodka Soomaaliya Iyo Eriterea Oo Warbxin Aan Cidna Dhaafin Sooga Saartay

Kooxda QM ee kormeerka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa soo saartay warbixin sannadeedka ay labadaasi dal kaga hadasho.

Dhinaca Somalia, kooxdu waxey kaga hashay, ammaanka, siyaasadda, Mususqmaasuqa iyo maareynta hantida dadweyne, horumarka dowladda, halista al-Shabaab ee ammaanka iyo Weerarii ay gaysatay, weerarada loo geysto dadka ka shaqeeya gargaarka, lunsashada iyo si xun u maareynta gargaaarka bani aadanimo, Saraakiishii Halista Badnaa ee laga dilay Al-shabaab,  xayiraadii dhoofinta dhuxusha ee Qaramada Midoobay ee Somalia, askareynta caruurta.

Waxaa sidoo kale Warbixinta lagu xusay Sida ay dowladda Somalia u hirgelisay waajibaadkii ka saarnaa cunaqabateyntii hubka ee laga qafiifiyay, iyo wada shaqeyntii ay kooxdu kala kulantay dhinacyada dowladda iyo kuwa aan dowliga aheyn intii ay kormeerkooda ku jireen sanadkan.

Sidoo kale waxaa Warbixinta lagu shaaciyey inaanu Wanaagsan Xidhiidhka Beesha Mareexaan iyo Ciidanka Kenya markii uu dhacay  Weerarkii Ceel-cade, Sidoo kalana waxaa si Ba’an loogu Weeraray Shirkada Isgaadhsiinta ee HORMUUD, Waxaa sidoo kale looga hadlay Mushahaarka ciidanka Puntland iyo Arimo kale oo Qarsoonaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open