Doorashooyinka Aqalka Hoose Oo Maanta Ka Bilaabmi Doonta Magaalooyinka Kismaayo Iyo Baydhabo

Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhaba ayaa waxa maanta loo fariisanayaa doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka.

Ergooyin badan ayaa maanta loo diyaariyey in ay doortaan qaar ka mid ah xubnaha Maamulada Koonfur galbeed iyo Jubbaland u matali doona baarlamaanka fedaraalka ee aqalka hoose.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Faderaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in doorashooyinka ay sio rasmi ah uga bilaabmi doonaan magaalooyinka sida kumeel gaarka ah ay u degenyihiin Maamulada K/galbeed iyo jubbaland.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in si wanaagsan ay u socdaan howlaha Doorashooyinka ee dalka, islamarkaana rajo wanaagsan ay ka qabaan in si qurux badan ay usoo dhamaadaan.

Ilaa sideed xubnood ayaa maamul kasta maanta loo dooran doonaan sida gudigu sheegay, waxaana Ergooyinka ay sii wadi doonaan doorashooyinka xubnaha kale, iyadoo tirooyin kala duwan maamulada ay uga mid noqon doonaan Baarlamaanak cusub ee lasoo dhisi doono.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa soo dooran doona xildhibaano gaaraya ilaa 69 mudane, halka maamulka Jubbaland ay soo dooranayaan 43 mudane, kuwaas oo ka mid noqonaya 275-ta xildhibaan ee xubnaha aqalka hoose.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open