Faallo: Xildhibaan Saciid Maxamed Cali Oo Ka Tanaasulay Inuu Ka Mid Noqdo Xildhibaanada Aqalka Hoose Kadib Markii …

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa maanta ka bilowday doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya. Xildhibaanka isa soo sharaxayo waxaa laga doonayaa inuu helo codadka ugu badan ee Ergooyinka wax dooranayo oo tiradooda tahay 51 odey.

Ergooyinka dooranayo xildhibaanada waxaa soo xulay Odeyaashii 135-ta ahaa ee la sameeyey sanadkii 2012-ka isla markaasina markale lagu ansaxiyey shirarkii Madasha Wadatashiga inay sii shaqeeyaan doorashada 2016-ka. Beelaha qaar waxaa ku matalayo liiska 135-ta odey shakhsiyaad maafiyo ah oo sida ay ay jecel yihiin ugu tasarrufaayo masiirka beelaha ay magacooda ku howlgalayaan. Arintan ayaa waxay sababtay in aqoonyahanno maamuus fiican ku dhex leh bulshadooda ay ka haraan ka mid noqoshada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federalka cusub.

Xildhibaan Saciid Maxamed Cali oo ka tirsan Baarlamaanka xilikiisa sii dhamaanayo isla markaasina ka soo jeedo beesha Biimaal ayaa ka ka tanaasulay inuu isu soo sharaxo inuu xubin ka noqdo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federalka kadib markii uu la yaabay habdhaqanka gurracan ee Ibraahim Cali Xaaji iyo Awyare Abshirow oo beesha Biimaal ku matalaayo liiska 135-ta odey.

Iyadoo jilibyada hoose ee beesha Biimaal qaarkood aysan haysanin wax jago heer Federal ama heer Maamul Goboleed ayuu Ibraahim Cali Xaaji waalkiisa la dhashay u dhiibtay sadex jago oo kala ah: (1) Xildhibaan ka tirsan  Aqalka Sare (2) Wasiir Kuxigeenka Arimaha Gudaha K/Galbeed (3) Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka K/Galbeed. Sidoo kale, Awyare Abshirow ayaa dhankiisa wuxuu xildhibaan heer Federal horey uga dhigtay wiilkiisa oo haddana u sharaxan inuu markale soo noqdo.

Shabakadda Markacadey.com waxay la xiriirtay Xildhibaan Saciid Maxamed Cali si ay wax uga ogaato arimaha soo shaac baxay ee la xiriirto inuu ka tanaasulay xildhibaanimo, wuxuuna xildhibaan Saciid xaqiijiyey in loo gacan bidxeeyey isagoo ka gaabsaday inuu wax ka sheego labada odey ee Ibraahim Cali Xaaji iyo Awyare Abshirow.

Kursiga Xildhibaan Saciid Maxamed Cali uu ka tanaasulay oo maalinta berita ah lagu tartami doono ayaa loo saadaalinayaa in uu kusoo baxo aqoonyahaan lagu magacaabo Sheekh Nuur Maxamed Xasan Shariifka oo aabihiis saaxiibo dhow ay yihiin Ibraahim Cali Xaaji, waxaana tartan la gali doono C/raxmaan Siidcali oo laga yaabo in xilli hore uu is casilo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open