Gudoomiye Jawaari Oo Ku Guuleystay Codbixintii Ugu Horeysay Ee Doorashada Aqalka Hoose Oo Ka Dhacday Baydhaba

Gudoomiayaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta u tartamayey kursiga Beesha Eelaay ayaa ku guuleystay xubinnimada Baarlamaanka cusub ee aqalka hoose.

Prof Jawaari oo la tartamey hal musharax ayaa ka guuleystay, waxaana tartanka kula jirey C/raxmaan Sheekh Ibraahim Xeydar oo horey usoo noqday wasiirkii Kalluumeysiga, isagoo helay 45 cod halka ninkii tartanka kula jirey uu helay 5 cod.

Doorshada xildhibaanada ayaa kasii socota Magaalada Baydhaba, waxaana lagu wadaa in la doorto xubno kale oo u tartamaya aqalka hoose ee Baarlamaanka fedaraalka.

Ku guuleysiga Gudoomiayaha Baarlamaanka fedaraalka Jawaari ee uu helay kursigii ugu horeeyey ee tartanka ayaa laga yabaa inay caqabad hor leh ku noqoto hamiga doorashada Madaxweynaha maamulka K/galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open