Gudoomiyihii Degmada Buurhakaba Oo U Geeriyooday Dhaawac Dhawaan Soo Gaaray

Gudoomiyihii Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdi Maxamed oo ahaa Gudoomiyaha Buurhakaba ayaa 15-kii bashii lasoo dhaafay ku dhaawacmay qarax Miino oo lagu aasay meel ku dhow gurigiisa, waxaana gudoomiyaha maalmahan lagu dabiiyey Isbitaalka Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada K/galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyey Geerida Maxamed Maxamed Cabdi Maxamed, waxaana sarkaalku sheegay in Geerida Marxuumka ay soo gaarsiiyeen Eheladiisa oo kula jirey Isbitaalka Xalane.

Qaraxa Miino ee horey uu ugu dhaawacmay Gudoomiyaha Maanta Geeriyooday ayaa waxa mas’uuliyadiisa sheegtay Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Ma jiro wax war ah oo weli kasoo baxay Maamulka Gobolka Baay oo ku saabsan Tacsida Gudoomiyaha Buurhakaba, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Marxuumka Isbitaalka Xale ay ku haaystay daryeel la’aan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open