Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Magaalada Gaalkacyo

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa dib kaga bilowday magaalada Magaalada Gaalakcyo ee sarunta Gobolka Mudug.

Xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Gaalakcyo aay si aad looga maqlayaa hubka culus ee ay is weedaarsanayaan dhinacyada ku loolamaya magaalada, waxaana dagaalka xoogiisa uu ka socdaa galbeed oo maalmahanba ay isku horfadhiyeen ciidamada labada maamul.

Dagaalkan oo aan la sheegi karin cida bilowday ayaa meesha ka saaraya natiijadii laga filyey heeshiiskii qadka Taleeganka shalay ay ku gaareen Madaxweynayaasha Puntalnbd iyo Galmudug, iyadoo Sgacabka ay aad uga war sugayeen heshiisyadii Dubai iyo kii shalay qadka Taleefanka lagu gaaray.

Dhaqanka Gaalkacyo qaarkood ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wadahadalka labada dhinac, waxaana ay cadeeyeen in dagaalka Gaalkacyo uu yahay mid ka weyn sida laga yeelay oo ay ula jeedeen in Madax aanana aheyn C/kariin Guuleed iyo C/weli Gaas ay ku lug leeyihiin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open