Waxragadka Maamul Goboleedka Puntland Oo Sheegay In Colaadda Gaalkacyo Ay Ka Weyntahay C/weli Gaas Iyo C/kariin Guuleed

Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Jibriil oo kamid ah Waxgaradka Gobolka Nugaal ayaa kahadlay kulankii magaalada Boosaaso ku dhexmaray madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wakiilka qaramada midoobey ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Wadahadalka ay Khadka Teefanka ku yeesheen Madaxwayneyaasha Galmudug iyo Puntland.

Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Jibriil ayaa sheegay in arrinta Galkacyo ay ka weyntahay Puntland iyo Galmudug uuna ku lugleeyahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheek Maxamuud sida uu hadalka u dhigay “Waxaan aamin sanahay inta aan la helin Cid badasha Xasan sheekh, inaan Arinta Gaalkacyo Xal loo Heli doonin”

Heshiiska Xiligan Lagu gaaray dhinaca Taleefanka ayuu sheegay inuu u Muuqdo mid aan Miro-dhali doonin, Heshiiska maanta Istaaga lagu gaaray ama Taleefanka, Midkii Fadhiga lagu gaaray iyadoo Gaalkacyo Lagu sugan yahay hadii uu socon waayey, Ma aamin sani inuu socon doono mid istaag ah” ayuu ruri Nabadoonka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open