Donald Trump Oo Noqday Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Maraykanka

Trump ayaa ku guuleystay Doorashada Madaxtinimo ee dalka Maraykanka kadib loolan adag oo uu la galay Musharaxa Xisbiga Dimuquraadiga Hillary Clinton.

Donald Trump ayaa helay codad gaaraya 276-Cod wuxuuna kaliya u baahnaa si uu u noqdo Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka 270-Cod oo kaliya,Donald Trump oo ah nin Maalqabeen ah ayaan wax taariikh ah ku lahayn Siyaasadda dalka Maraykanka.

Musharax xisbiga Jamhuuriga ayaa noqonaya madaxweynhii 45-aad ee dalka Mareekanka soo mara, waxaana xilka uu la wareegi doonaan 20-ka bisha janaayo ee sanada soo socota.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open