Deegaanka Dacalka Ku Haaya Xeebta Dalxiiska Sambuusi Ee Ceejaalle Oo Hormar Kala Duawan Ku Tallaabsaday (Sawiro)

Deegaan weynaha Ceeljaale oo dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku caan ku ah waxyaabo kala duwan.

Deegaankan ayaa qiyaastii 5 km u jira magaalada madaxda Gobolka, waxaana ku dhaqan qoysas lagu qiyaasi karo ilaa 300, oo ku caan baxay iany hormariyaan wax soo saarkooda.

Ceeljaale oo leh laba wado oo kala aada Shalambood iyo wado kale oo ka baxda dhanka Xeebta ee koonfureed ayaa waxa ku yaala goobaha ugu badan Gobolka Shabeelada hoose ee laga soo saaro Nuuriyada , Dhagaxa iyo waxyaabaha kale ee lagu dhiso guryaha.

Waxyaabaha kale ee uu caan ku yahay deegaanka waxa ka mid ah dalxiiska, waxaana ku yaala xeebaha ugu quruxda badan Gobolka Shabeelada hoose, iyadoo aan laga waayin Ceeljaale kalluumeysato waqti iyo dadaa geliya soo saarista Aargoostada iyo kalluunka noocyadiisa kala duwa.

Ceeljaale darafka koonfureed ee xeebta waxa ka xiga Xeebsa Sambuusi oo beri samaadkii ka mid aheyd goobihii ugu wacnaa ee dalxiisa loo tagi jirey, hase ahaatee waayadan ay saameysay dhaqan roganka ku habsaday guud ahaan dalka Soomaaliya.

Haka reebin sameynta Idimada ama dheriga oo isticmaalkooda uu muujinayo dhaqanka dabar go’ay ee Soomaalida oo beri samaadkii aad loogu faani jirey.

Sanadii dambe deegaanka Ceeljaale waxay marti gelin u noqotay dagaal kala duwan, in ka badan shan sanadood waxa xoog bartamada deegaanka ay iosbaaro ugu tiilay Mooryaantii uu horkacay dagaal-ooge Indhacadde.

Wixii ka dambeeyey sanadii 2012-kii deegaanka ayaa muhiimad weyn ugu fadhiya noloshada dadka ku dhaqan Marka iyo deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

received_763441343796409 received_763441440463066 received_763441623796381 received_763481050459105 received_766138910193319 received_766138926859984 received_766146196859257 received_766146203525923 received_7634415471297221 received_7634803904591711 received_7634806937924741 received_7634808071257961 received_7634812504590851

Xuquuqda Sawirada Isha Raaxoole

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open