Dhageyso Gudoomiye Waafow “Dowlad Dadka Kala Jecleysaneyso, Maalin Ayaan La Xisaabtameynaa”

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50, Mudane C/hi Cali Axmed Waafow ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Gobolka Shabeelada hoose.

Mudane Waafow ayaa marka hore ka hadlay dhaca Maleeshiyada Shabaab maalmo ka hor ay u geysteen Xoolo fara badan oo laga lahaa deegaanada u dhaxeeya Ceelwareegow iyo Buulonaagey.

Waxa kale uu ka hadlay dayaca dowlada Xasan Sheekh iyo Maamulka K/galbeed oo ay ku hayaan shacabka Gobolka Shabeelada hoose, iyadoo qaar ka mid ah dadka ku nool Gobolada dalka ay heelaan gurmadyo iyo dadaalo kala duwan.

Dhanka kale waxa uu beeniyey in Shacab ka barakacay deegaanada Beesha Biimaal ay gaareen Muqdisho oo ay sameysteen kaamam barakacayaal ah, isagoo warkiisa ku daray in ay gaarayaan warbixinno ah kaamam loogu magac daray deegaanada laga barakacay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open