Faafaahinno Kasoo Baxaya Diyaarado Dagaal Oo Duqeymo Ka Fauliyey Saldhig Shabaab Ay Ku Leeyihiin Degmada Bu’aalo

Wax yar un ka dib markii Maleeshiyada Alshabaab ay fasaxeen isgaarsiinta deeganada Jubboyinka qaarkood ayaa waxa weerar diyaaradeed lagu qaaday saldhig Maleeshiyada Alshabaab ay ku leeyihiin deegaan hoos taga Degmada Bu’aale.

Sida ay wararku sheegayaan weerar dhinaca cirka ah ayaa lagu qaaday saldhig ay Maleeshiyada Shabaab ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo War-dhoobley oo qiyaas ahaan 40 km u jira Bu’aale, waxaana halkaas lagu soo waramayaa in lagu garaacay Gantaallo dhowr ah.

Dadka ka agdhawaa saldhiga la waeeraray ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen gantaallo badan oo saldhiga kusoo hoobanaya, waxaana ay ka gaabsadeen in ay ka waramaan khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Lama sheegin diyaaradahan dagaal ee weerarka ku qaaday saldhiga Shabaab ee Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubada dhexe, waxaana sidoo kale aan weli la helin khasaaraha ka jira saldhiga la weeraray.

Saldhigyada Maleeshiyada Alshabaab ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya ayaa la kulmaya weeraro diyaaradeed iyo mid toos ah, waxaana weerarada kasoo gaaraya khasaarooyin kala duwan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open