Maleeshiyada Alshabaab Oo Badow Kusoo Rogay Degmada Jamaame Ee Gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose ayaa ku waramaya in bandow 24-saac ah lagu rogay dadka ku dhaqan halkaasi.

Maleeshiyada Alshabaab oo gacanta ku haaya degmada ayaa lagu soo waramayaa in maleeshiyaad badan ay soo geliyeen deegaanka islamarkaana ay bilaabeen in ay qab qabtaan dadka qaarkiis, waxaana wadooyinka muhiimka ah iyo goobaha mashquulka badan lagu arkaan ciidamo dhar cad oo aminyaadka ka tirsan.

Dad ku dhaqan Jamaame oo la hadlay Markacadey.com ayaa sheegay in xaalad deg deg ah lagu soo rogay deegaanka islamarkaana aad loo yareeyey dhaq dhaqaaqii dadka iyo adeegyadii bulshada.

Sidoo kale waxa dadkan ay noo sheegeen in habeennimadii xalay degmada ay soo galeen gaadiid ay saaranyihiin in kabadan 200 maleeshiya ah kuwaas oo saakey markii waagu baryey bilaabay in qab qabtaan dad u badan dhalinyaro.

In ka badan 30 qof ayaa laga qab qabtay wadooyinka halka qaarkood loogu galay guryahooda sida aan warku aan keleyno, waxaana dad aan ka wacnay Taleefanadooda gacanta ay naga diideen in ay si fiican noogula hadlaan,  kuwaas oo baqdin ka qaba in lasoo raaco codkooda.

Degmada Jamaame iyo degmooyin badan oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa hawadooda ka maqnaan shirkadaha isgaarsiinta, waxaana bandowgan saaran Jamaame uu imaanayaa saacado ka dib markii hawada ay dib ugusoo laabatay Isgaarsiinta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open