Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey Oo Cusbooneysiisay Cuna-qabatayntii Hubka Ee Soomaaliya Saarneyd

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa dib u cusboonaysiiyey cuna-qabatayntii hubka ee saarneyd dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea.

Xubnaha 15-ka ah ee kasoo qayb galay kulankii laga yeeshay arimaha Cuna-qabataynta ayaa 10 ka mid ah waxay u codeeyeen in la cusbooneysiiyo cunaqabateynta halka 5-ta kalena ay ka aamuseen.

Danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhiyo Qaramada Midoobey Mathew Rycroft oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cuna-qabateynta hubka ee Somalia ay dowr muhiim ah ka qaadaneyso in argagaxisada Alshabaab aysan gacanta ku dhigin hub wax dhibaateynayo.

“Cuna-qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran waxay Alshabaab ka ilaalineysaa inay hub soo gataan, haddii cuna-qabateynta hubka la qaado waxay ka iibsanayaan suuqyada Soomaaliya” ayuu yiri Mathew Rycroft.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa in badan dalbatay in cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya iyadoo hub horey loogu deeqay dowladda Federalka ay si xun u adeegsatay beesha Hawiye ee madaxweyne Xasan uu ka dhashay oo damacsaneyd inay dhulbalaarsi ka sameyso gobolka Shabeelaha Hoose iyo meelo kale.

Sidoo kale, hay’ado iyo wargeysyo caalami ah ayaa qoray in hub la siiyey dowladda federalka loo gacan geliyey mintidiinta Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open