Xagee Ku Dambeeyaa Geel Tiro Badan Oo Maleeshiyada Alshabaab Ka Dhaceen Shacab Ku Dhaqan Duleedka Waqooyi Ee Degmada Marka?

Maalintii Isniinta ee la soo dhaafay waxay maleeshiyada Aslhabaab dhac baahsan u geysteen shacab Xoolaley ah oo ku dhaqan deegaano ku yaalo duleedka waqooyi ee degmada Marka. Alshabaab waxay kaxeysteen Geel tiradiisa gaareyso kun neef (1,000) oo oo ay leeyihiin qoysas kala duwan oo dhammaantooda ka soo jeedo beesha Biimaal.

Xoolaha la dhacay oo isugu jiro Geel Irmaan ah iyo kuwo Guran ah ayaa shacabkii xoolaha laga dhacay waxay aad uga murugeysan yihiin Masiirka xoolahooda oo ku maqan maleeshiyada maafiyada ah ee Alshabaab. Iyadoo lagu jiro xili abaaro kulul ay ka jiraan guud ahaan dalka gaar ahaan gobolka Sh/hoose ayey nolosha dadkan xoolaha laga dhacay waxay ku tiirsaneyd caanaha Geela oo ay u iib geyn jireen suuqyada magaalada Marka ilaa magaalada Muqdisho.

Waxaa soo baxaayo warar dheeraad ah oo la xiriiro halka ay mooryaanta Alshabaab la aadeen xoolaha
tirada badan ee ay dhaceen. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in xoolaha Alshaaab dhaceen laga gudbiyey
Buundooyinka wabiga Shabeelle ee degmooyinka Jannaale iyo Awdheegle oo maleeshiyada Shabaab gacanta ku
hayaan.

Sida ay noo xaqiijiyeen shacabkii xoolaha laga dhacay, maleeshiyada Alshabaab ayaa waxay u kala qaybiyeen xoolaha ay dhaceen labo qaybood: Qaybta 1aad waxay ka gudibyeen buundada degmada Jannaale, waxaana xoolahaasi hadda lagu hayaa tuulooyinka Hanti Wadaagta, Farsooley, Tuugaarey iyo meelo u dhow dhow. Qaybta 2aad ee Geela la dhacay ayey mooryaanta kala gudbeen Buundada Awdheegle, waxaana xiligan xoolahaas lagu hayaa deegaano hoosyimaado Tooratoorow.

Sidoo kale waxaa jiro qayb kale oo ka mid ah xoolaha Alshabaab dhaceen oo weli aan laga gudbinin Buundooyinka Jannaale iyo Awdheegle kuwaasoo la xaqiijinayo in lagu haayo deegaano aan ka fogeynin deegaanada Mubaarak, Daanyeerey iyo Busley Daa’uud.

Dadka ku dhaqan tuulooyinka Malable iyo Degwariire oo labaduba ku yaalo marka lagu gubdo Buundooyinka
Awdheegle iyo Jannaale waxay xaqiiyeen inay arkeen Geel badan oo ku cusub deegaanadaasi isla
markaasina ay la socdaan Maleeshiyaad Shabaab ah iyo mooryaan caan ka ah gobolka Sh/hoose oo afka soo
duubtay.

Kooxo mooryaan Habargidir ah oo 25 sano xoog ku haystay Aseendooyin gobolka Sh/hoose ku yaallo ayaa maleeshiyada Alshabaab gacan weyn ku siinayo barakicinta iyo boobka ay ku hayaan hantida shacabka beesha Biimaal.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa maatida beesha Biimaal u beegsanaayo inay qasab ku qaadataan Awaamiirta Alshabaab maadaama beesha Biimaal ay diiday inay beyco qasab ah la gasho kooxdan argagaxisada ee gabalkeeda sii dhacaayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open