Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Xarunta Lagu Dooranayo Xildhibaanada Ee Magaalada Kismaayo

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xoog waxay kula wareegeen xarunta ay ka socoto doorashada xubnaha aqalka hoose ee magaalada Kismaayo.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka gadoodsanyihiin musuq maasuq iyo wax is daba marin ay ku dhaqmayaan Gudiyada doorashooyinka oo lagu sameeyey beelaha ay kasoo jeedaan.

Xarunta ay ka socoto doorashada aqalka hoose oo ay amaankeeda ilaalinayaan Ciidamada nabad sugidda Jubbaland iyo kuwa midowga afrika ee Kenya ayaan wax iska hor imaad ah ka dhicin, waxaana socda sida warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamadan gadoodsan lagu qanciyo in ay xarunta baneeyaan.

Horey ayaa Gudiyada doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer maamul Goboleed waxa lagu eedeeyey in ay ku dhaqmayaan musuq maasuq, waxaana musharaxiinta qaarkood ay sheegeen hadii ay sidaas wax kusii socdaan in ay dhici karto inay wax badan is bedelaan.

Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland oo ka hadlay arintan ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ku aadan sidii ciidamada goobta looga saari lahaa, ayna halkaaasi maanta kasii socoto doorashada xubnaha aqalka hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open