Dhageyso Musharaxiin Cabasho Ka Muujiyey Doorashada Baarlamaanka Ee Ka Socota Magaalada Baydhaba

Iyadoo magaalada Baydhaba ay ka socoto doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka fedaraalka ayaa waxa soo baxaya cabashooyin kala duwan oo kasoo yeereysa qaar ka mid ah musharaxiinta.

Xubnaha qaar ee musharaxiinta ayaa ka cabanaya doorashooyinka socda, waxaana dacwado ay u gudbiyeen gdiga xalinta khilaafaadka, ee heer fedaraal.

Maxamed Nuur Cali Nuuraani oo u sharaxan tartanka doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay cadaalad daro tahay waxa ka socda Baydhaba oo ula jeedo doorashada.

Nuuraani ayaa hadalkiisa intaa ku daray in doorashooyinkii Baydhaba maalmahan ka socday ay ahaayeen kuwo si cadaalad daro ah u dhacay, waxa intaa uu ku daray in gudiyada doorashooyinka ay madax banaaneyn oo holwahooda gacmaha uu kula jiro Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open