Shir Looga Hadlayo Xaaladda Magaalada Gaalkacyo Oo Saacadaha Soo Socda Lagu Wado Inuu Ka Furmo Garoonka C/hi Yuusuf

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta halkaas shir ay ku yeelanayaan Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Shirka oo la qorsheeyey in uu ka dhici doono garooonka C/hi Yuusf ayaa waxa isa soo hor fadhiisan doona Odayaal iyo waxgarad labada dhinac oo ay kala hogaaminayaan Madaxweynayaasha kala ah C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shirarkan looga hadlayo xasilooni kusoo dabaalidda Magaalada Gaalkacyo in ay ka qeyb gali doonaan Madaxda maamul Goboleedyada, raysalwasaaraha dalka iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Dhinacyada maanta kulmaya ayaa ka wada hadli doona sidii loo taaba gelin lahaa kala qaadidda Ciidamada oo isku hor fadhiya aagag badan, waxaana aad u adag in dhinacayada ay ku heshiiyaan kala qaadidda Ciidamada dagaalamay.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo shalay gaaray Gaalkacyo ayaa wada kulamo dhinacayada ay kala hogaamiayaan ay uga dhaadhicinayaan sidii xal looga gaari lahaa dagaaladii dhacay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open