Xildhibaankii Labaad Ee Beesha Biimaal Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Kismaayo

Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka fedartaalka oo maalmahan ka socotay magaalada Kismaayo ayaa mareysa heer gabagabo ah waxaaana maanta la doortay xubno kale oo hor leh.

Xildhibaanada Maanta lagu doortay Kismaayo waxa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Maxamed Soomaali), oo tartan adag la galay Col. Xujaale Cabdi Sheekh oo ka tirsan saraakiisha Maamulka Jubbaland, kursiga lagu tartamayey ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay waxa ku fadhiyey xildhibaan Sooyaan Cabdi Warsame oo hada aan ka qeyb gelin tartanka doorashada.

Doorshada kursiga uu ku guuleystay xildhibaan Maxamed Soomaali oo la qabtay gelinkii dambe ee maanta ayaa wuxuu ku adkaaday codad gaaraya ilaa 29, cod halka musharxii kale ee tartanka kula jirey Xujaale uu helay 22 cod.

Sida ay Markacadey.com heshay Odyaasha ayaa musharaxiinta horey u kala qeybiyey Ergada 51-da ah ee u codeeneysa, waxaana ay kala qaateen sida ka muuqata Codeynta 29 iyo 22, iyadoo arintaas ay dhacday xilligii la gudbinayey Ergada.

maxamed-soomaaliya

Xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa noqonaya xildhibaankii labaad ee kasoo jeeda Beesha Biimaal oo lagu doorto magaala madaxda Maamulka Jubbaland ee Kismaayo, waxaana ka horeeyey Xildhibaan Sheekh N uur Maxamed Xasan Shariifka.

Beesha Biimaal oo mudanayaasha Baarlamaanka aqalka hoose ku leh ilaa todobo xildhibaan ayaa shan ka mid ah laga soo dooran doonaa magaalada Baydhaba, waxaana soo gaba gabowdey doorashada labadii xubnood ee Beesha ay ka sugeysay deegaanada Jubbooyinka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open