Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Shabeelada Hoose Oo Maanta U Tartamaya Doorashada Aqalka Hoose

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelada hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa maanta u tartamaya codeynta xubnaha aqalka hoose baarlamaanka.

C/qaadir Siidii oo kasoo jeeda Beeshe Garre oo degta Gobolka Shabeelada hoose ayaa tartankan kula jira xubno dhowr ah oo isla beeshaas kasoo jeeda, waxaana raja buuran uu ka qabaa in uu kusoo bixi karo tartanka.

Shakhsiyada Siidii oo horey usoo qabtay Gudoomiyihii Gobolka Shabeelada hoose ayaa xilka waxa laga xayuubiyey 11-11-2015-ka, waxaana xilkaas uu haayey ilaa sanadii 2007-da, isagoo lagu xasuusto waxqabad la’aan damqasho xumo, xilli Gobolka uu Gudoomiyaha ka ahaa uu ku sugnaa xaalado adag.

Dadka waxgalka iyo aragtid fog ayaa C/qaadir Siidii ku sifeeya shakhsi danta guud iyo Masiirka umadda ay ugula weyntahay dantiisa gaarka ah, taas oo sababtay in Gobolka Shabeelada hoose uu Gudoomiye kasii ahaado muddo ka badan sideed sano.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open