Madaxweynaha Cusub Ee Mareekanka Muxuu Ka Aaminsanyahay Qaar Ka Mid Ah Madaxda Dalalka Bariga Dhexe (Video)

Madaxweynaha xilka ku guuleystay ee dalka Mareekanka Donald Trump ayaa markii uu waday ololaha doorashada waxaa uu eedeyey xaaladda ay hada ay ku suganyihiin wadamada Ciraaq, Siiriya iyo Liibiya.

Trump ayaa sheegay in hadii uu joogi lahaa Madaxweynaha Ciraaq ee dilka lagu fuliyey Sadaam Xuseen in dalka Ciraaq aanu bahal galeen u ahaan laheyn argagaxisada loo maara waayey.

Madaxweynaha cusub oo sii hadlayey ayaa sheegay in Mareekanka aanu ogeyn sababta uu malaayiinka doolar uu ugu bixinayo jabhadaha iyo kacdoonka ka socda Siiriye ee looga soo horjeedo Xukunka Bishaar Al-asad.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open