Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Culus Oo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Saliini Ee Duleedka Magaalada Nambar 50

Dagaalo culus oo dhaxeeya Ciidamaad difaaca deegaanka iyo Maleeshiyada Shabaab ayaa galabta waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaalka oo dhacay casar liiqii maanta ayaa ka dambeeyey ka dib weerar culus oo Ciidamada deegaanka ay ku qaadeen fariisin Maleeshiyada Shabaab dhawaan ay ka sameysteen meel ku dhow deegaanka Saliini oo duleedka ka xiga magaalada Nambar 50.

Saraakiisha Ciidamada ee aagga Nambar 50 oo xogo iyo tafaasiil dheeri ah ka haaystay fariisinka cusub ee Maleeshiyada Shabaab ayaa galabta weerar culus qaaday, waxaana weerarkaas loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka aan ka heleyno dagaalka galabta oo aad u xooganaa ayaa waxa jira khasaare lexaad leh oo la gaarsiiyey maleeshiyada la weeraray, waxaana gurmad uu kasoo gaaray deegaanada deexda, waxaa halkaas ka dhacay dagaalo saacadooyin dhowr ah qaatay.

Salaadii maqrib ee caawa wixii ka dambeeyey ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada deegaanka ay kusoo laabteen difaacyadii ay ku lahaayeen duleedka Nambar 50, waxaana ay laabteen markii ay ku guuleysteen in deegaanka Saliini iyo saldhiyadii dhawaan lasoo degay ay ka saaraan maleeshiyada arxan labaaysha ah ee Shabaab.

Ma jiro sida aan warka ku haayno wax khasaare ah oo Ciidamada deegaanka kasoo gaaray weerarkii galabta, waxaana lasoo wariyey in khasaare culus uu soo gaaray Maleeshiyada Shabaab, dad xoola dhaqata ah oo ku dhaqan deegaanada deexda ah ayaa Markacadey u sheegay in ay arkeen dhaawacyo fara badan iyo meydad ay jiidayeen Shabaab kuwaas oo laga bixiyey goobaha dagaalka.

Ciidamada deegaanka oo ballaariyey howlgallada ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka Shabaab oo heshiis la galay Mooryaanta soo duushay, ayaa weerarada iyo howlgallada Ciidamada deegaanka waxay saameyn xun ku yeesheen isu socodkii maleeshiyadan o ku go’doomey duurka ay ku dhuumaaleysanayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open