Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Ku Guuleystay Inuu Ka Mid Noqdo Baarlamaanka Aqalka Hoose

Tartanka doorashada xubnaha aqalka hoose oo ka socota magaalada Gorowe ee xarunta Maamul Goboleedka Puntland ayaa tartan maanta dhacay waxa kusoo baxay Wasiirka Xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowlada fedaraalka.

WasiirCiise Xuseen oo uu la tartamaayey musharax kale oo lagu magacaabo Maxamuud Raage Maxamed ayaa kaga guuleystay codad gaaraya ilaa 48 cod, halka Maxamuud Raage uu helay hal cod, waxaana gudida doorashooyinku sheegeen in hal cod halaabay.

Ergada u kala codeeneysay labadan musharax ayaa tiradooda ay gaareysay ilaa 50 Ergo, waxaana xildhibaanka cusub ahna wasiir ka tirsan xukuumada waqtigeedu dhamaaday uu noqonayaa xildhibaankii 13-aad ee maanta lagu doorto Garowe.

Dhinaca kale isla Garowe waxa lagu doortay xildhibaankii 14-aad ee Baarlamaanka aqalka hoose, waxaana u tartamayey Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo mukhtaar C/risaaq Yuusuf.

Tartamayaasha ayaa kala helay 32, cod oo uu helay Sakariye, halka musraxii kale ee Mukhtaar uu helay 19 Cod, iyadoo weli ay socodaan codeynta Xildhibaano kale ayaa lagu wadaa in maalmaha soo aadan Maamulka Puntland uu soo dhameystio doorashooyinka aqalka hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open