Ciidamada Itoobiya Oo La Sheegay Inay Isaga Baxayaan Dalka Soomaaliya

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa la sheegayaa inay isaga baxayaan guud ahaan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Afahayeen u hadlay Midowga Afrika ayaa hadalkan sheegay xilli Ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen deegaano iyo Degmooyin ku yaala Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana deeganadii ay ka baxeen dib ula wareegay kooxda Shabaab.

Sababta ka dambeysa in Ciidamada Itoobiya baneeyaan deegaanada ay kaga sugnaayeen Gobolada dalka ayaa lagu micneeyey in ay tirsanayaan eedo badan, iyadoo laga jawaabi waayey sida warbixintu sheegeyso dacwooyin badan oo ay u gudbiyeen Ururada Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Afahayeenka ma sheegin xilliga ay baxaayaan Ciidamadan hase ahaatee, waxa uu qirey suurtagalnimada in lagu baneeyo deegaano badan oo Soomaali ka tirsan oo ay dhici karto in ay la wareegaan dagaalyahaanada kooxda Shabaab.

Ciidamada Itoobiya oo qalalaaso siyaasadeed ay ka jiraan dalkooda ayaa dhawaan shaacisay in Ciidamada baneeyey Tiyeeglow iyo Halgan lagu xoojinayo Ciidamada ku sugan gudaha dalkaasi, hase haatee wararka hada so baxaya ayaa u muuqda mid ka duwan warkii hore.

Arintan ayaa waxa walaac ka muujiyey Saraakiisha howlgalka Midowga Afrika oo horey u dejiyey qorshayaal dagaal oo ay ku wajahayaan kooxda Shabaab, hase ahaatee qorshayaashii iyo istaratiijiyadii hore loo hindisay ayaa u baahnaan doonta in dib loogu laabto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open