Ciidamada Maamulka K/galbeed Oo Si Buuxda Ula Wareegay Gacan Ku Heynta Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ay si buuxda ula wareegeen Degmada Tiyeeglow.

Ciidamada la wareegay Tiyeeglow oo ka baxay degmada Xudur ayaa lagu soo waramayaa in ay la soconin Ciidamo Itoobiyaan ama Amisom ah, waxaana dagaal la’aan ay gudaha u galeen degmada oo dhawaan ay la wareegeen dagaalyahaanada kooxda Shabaab.

Gulufka lagula wareegay Tiyeeglow oo maalmahan laga dareemayey Xudur ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamada aanay la kulmin wax iska caabin ah, waxaana xalay ay ku hoydeen meel lagu magacabo Garasweynow oo aad ugu dhow degmada maanta ay la wareegeen.

Saraakiisha qeybta Lexdanaad ee ka howlgala Gobolada Koonfur galbeed ayaa sheegay in howlgalkan lagula wareegey degmada Tiyeeglow uu ahaa mid laga so shaqeeyey oo u dhacay sidii loogu talagalay, waxaana ay sidoo kale sheegeen in ay socdaan dadaalo amniga lagu xaqiijinayo.

Dhanca kale Dagaalyahaanada Shabaab ee dhawaan qabsaday degmada maanta laga wareegay ayaa waxay aadeen meel aan sdaas uga fogeyn Tiyeeglow, waxaana intii ay joogeen halkaasi ay dilal kala duwan u geysteen dad shacab ah oo ay ku eedeeyeen inay jaajuus u ahaayeen Ciidamada Itoobiya.

Waa Degmadii ugu horeysay oo ka tirsan Gobolka Bakool oo ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya islamarkaana ay soo celiyaan Ciidamada Maamulka K/galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open