Dhageyso Qarax Khasaare Dhaliyey Oo Ka Dhacay Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Baay

Saraakiisha ammaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faah faahin ka bixiyey qarax khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay.

Qaraxa oo lala eegtay Ciidan ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku dhaawacmay 5 ruux oo 4 kamid ah ay yihiin Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo haweeneey Shaah ku iibinaysay goobta Miinada lagu aasay.

Taliye ku xigeenka Booliska Degmada Buur-hakaba ayaa sheegay in qaraxa ay masuul ka yihiin Al-shabaab wuxuuna hoosta ka xariiqay iney sii wadayaan hawlgallada ay ku baacsanayaan maleeshiyada Al-shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open