Dhageyso Waxgaradaka Degmada Bacaadweyn Oo Maamulka C/kariin Guuleed Ku Eedeeyey Ku Tagri Fal Awoodeed

Waxgaradka Beesha Khuweys ee degta degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa soo jeediyey qeyla dhaan ku aadan ku tagri fal awoodeed oo uu lasoo baxay Maamulka uu hogaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Beesha Khuweys ayaa sheegtay in hal xubin kaliya ay ka heleen Xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo doorashadiisa ay ka socota magaalada Cadaado islamarkaana Gudiyada Doorshooyinka ay ku wargeliyeen in kursigooda ay ku tartami doonaan Haween.

Waxa ay sheegeen in markii hore la siiyey hal kursi kaas oo hadana lagu war geliyey in aan la siin doonin ragga beeshaas kasoo jeeda hase ahaatee ay soo sharraxaan Gabdho ku tartama kysriga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open