Madaxweynaha Maamulka K/galbeed Oo Magaalada Nayroobi Ka Wada Qorshayaal Ka Dhan Ah Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekhn Aada oo dhawaan shaaciyey in uu yahay musharax u taagan tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo dhici doonta sanadkan ayaa kulamo kala duwan ka wada magaalada Nayroobi.

Shariif Xasan ayaa la sheegayaa in magaalada Nayroobi uu u joogo sidiiĀ  uu u sameysan lahaa gaashaan buur uu kaga soo horjeedo Madxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh, waxaana lasoo wariyey in Madaxweynaha Koonfur galbeed qorshayaashiisa ay halis gelin karaan ololaha Xasan Sheekh.

Markii Madaxda Maamulada dalka ka jira ay kasoo laabteen dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegayaa in dadaalada Shariif Xasan ay sii xoogeysteen iyadoo la saadaaliyey in howlihiisa ugu badan uu gelinayo laba arin midkood.

Arinta koowaad ayaa ah in Madwxweyne Shariif uu diyaarinayo qorshe isaga u suura gelin kara inĀ  uu helo kursiga Madaxweynaha Soomaaliya iyo in uu doorashada ugu shubo shakhsi isaga uu wato oo uu ku gaaro danaha u ka leeyahay siyaasada Soomaaliya.

Inkastoo ay jiraan murashaxiin badan oo doonaya kursiga dalka laga maamulo, ayaa hadane la ogaan karin musharaxa ay isku xulafada yihiin Madaxweyne Shariiif.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu u baqoolo Magaalada Nayroobi oo uga horeeyo Shariif Xasan, waxaana halkaas ay ku yeelan doonaan kulamo ay kaga arinsayaan doorashooyinka dhawaan la filayo inay qabsoomaan.

Doorshada madaxtinimada ee ka dhici doonta Soomaaliya ayaa sanadkan ka duwan tii sanadihii hore ka dhici jirtay dalka, iyadoo xilligan siyaasiyiin miisaan culus leh ay dadaal ugu jiraan inay kusoo baxaan tartanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open