Waa Maxay Sababta Ay Dadka Somalidu Dhakhso Ugu Indha Beelaan ?

Marar badan waxa aad la kulmaysaa amma dhegahaaga ku soo dhacaya dhiillooyin kala duwan oo xanbaarsan culayska ay leedahay Indho la’aantu, qof ka cabanaya indho-xanuun, mid leh labadii indhood-ba waan beelay, qof kale oo kuu sheegaya inuu il beelay tii kalena halis ku jirto, mid kale oo kuu sheegaya in indhaha biyo laga furay, qof kale oo isna kuu tilmaamaya in aragii ku yaraaday oo aragtida dheer amma ta dhawi ay ku adagtahay. Arrimahaas iyo qaar kale oo badan ayaa sal-dhig u ah cabashada aafooyinka haleela indhaha.

Si aan arrintan xaqiiqadeeda wax badan idiin la wadaago, waxa ii suurta gashay inaan magaalada Hargeysa kula kulmo Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Shiine) oo ah dhakhtar ku takhasusay caafimaadka Indhaha ahna maamulaha Cusbitaalka Manhal, waxaana xaruntiisa koobaad tahay magaalada Hargeysa, halkaas oo aan kula kulmay si aan xog dheeraad ah uga helno sababaha dhabta ah ee keena in dadka ku nool deegaanada soomaalidu ay indho beelaan.

Dr. Shiine waxa uu ka mid yahay Dhaakhaatiirta tobankii sannadood ee u danbeeyey ku mashquulsanaa dawaynta, qalliinka iyo wax-ka-qabashada dhibaatooyinka kala duwan ee indhaha ku dhaca, isaga oo noo sheegay in qiyaas ahaan dadka ku nool Somaliya iyo Somaliland ee indhaha la’i in tiradoodu dhan tahay 120,000. 80% ka mid ahina u indho beelaan xanuuno wax laga qaban karo, isla markaana ay sannad kasta ku soo biiraan 0.12% oo u dhiganta 120,000 oo qof.
Waa kan Dr. Shiine oo arrimahaa faafaahin ka bixinaya: “Indho la’aanta dalkan aynu ku nool nahay waxa lagu qiyaasaa 1.2%. Taas macnaheedu waxa weeyaan haddii la isu wada geeyo deegaannada ay Soomaalidu degaan 10 milyan haddii lagu qiyaaso dadka ku nool Somaliland iyo Soomaaliya waxay noqonaysaa 120,000 oo qof ayaa indho la’.
Dadkaa 80% ka mid ahi waxay u indho la’ yihiin xanuunno wax laga qaban karo amma laga hor tegi karo, ha u badnaado xanuunkan loo yaqaanno katarakti/cataract (caadka indhaha gala) iyo galokooma/glaucoma oo ah biyaha indhaha ku furma.
Labadaa xarnuun mid waa la hog tegi karaa, tusaale ahaan xanuunkan indhaha biyaha ku fura waqti munaasib ah haddii la ogaado waa laga hor tegi karaa oo wax waa laga qaban karaa amma ha la daweeyo amma ha la qalo. Cataract amma caadkana waa la dawayn karaa oo waxa weeye caadka ayaa indhaha laga qaadaa, oo qofka inta guluub loo geliyo ayay aragiisu caadi ku soo noqonayaa.”
Dr. Shiine wuxuu intaa araaciyey oo uu yidhi: “Xanuunnada kale ee indho la’aanta keena waxa ka mid ah fiitamiin la’aamnta sida fiitamiin A oo qofka ku yaraata. Waxa kale oo keena dad baa jira u baahan inay muraayado qaataan oo waqtigii munaasibka ahaa inay muraayadaha qaataan hadduu u baahan yahay sida markii ay da’oodu yarayd ee uu ahaa lix jir amma todoba jir.
Dadkaasi haddii muraayadihii loo baahnaa qaadan waayaan waxa laga yaabaa iyaga qudhoodu inay indho la’aan ku danbeeyaan. Xanuunno kale ayaa jira sida allerjiga iyo infection (caabuqyada xanuunnada huriya) oo mararka qaarkood haddii ay aad u xumaadaan keeni kara indho la’aan.
Markaa guud ahaan dadkaa indhaha la’ ee lagu qiyaasay 120,000 waxa sannad kasta ku soo biira 0.12% oo noqonaysa 12000 oo qof oo indho la’ ayaa sannad kasta ku soo biira.”
Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Shiine) waxa uu sheegay in caadka indha daboolaa uu da’ ku xidhan yahay, isagoo tilmaamay in xanuunnada Macaanka iyo Dhiigarkuna in ay mararka qaar door ka qaataan in qofku indha beelo: “90% caadka indhaha galaa da’da ayuu ku xidhan yahay. Qofku marka uu lixdan sano jir gaadho caadka ayaa soo gala oo qalliin ayuu u baahdaa. Todobaatan jir marka uu gaadhana caadku wuu sii kordhaa.
Dadka sagaashan jirka ahi 90% caad ayay leeyihiin oo waxay u baahan yihiin qalliin. Inkasta oo ay jiraan tiro ka yar 10% oo ah carruur ku dhalatay caadka iyo caruur yaraantoodii indhaha nabar kaga dhacay. Waxa kale oo jira nooc loo yaqaanno developmental cataract oo ah caad dhalinyarada ku samaysma oo aan nabarna ku xidhnayn, ilmuhuna aanu ku dhalan, laakiin da’daa dhexe marka uu joogo sida 15 jir, 20 jir amma 25 jir ayuu ku bilaabmayaa. Markaa waxa la yidhaahdaa waa mid la socda korriinka lana yidhaahdo ‘developmental cataract’.
Laakiin glaucoma (biyaha indha ku furma) nooc baa jira lagu dhasho oo buftalmoos ayaa la yidhaahdaa oo ilmuhu isagoo laba illaa saddex bilood jira ayaa la ogaadaa in indhuhu waa weyn yihiin, oo ilmuhu indhaha lo’a oo kale ayuu yeelanayaa. Xanuunno kale oo indho la’aanta keeni karaana way jiraan sida Macaanku marka uu qofka ilaa shan iyo toban sano hayo iyo dhiig-karka.”
Si indhaha aragooda iyo shaqadooduba u hagaagto waxa mudan in dadku laasimaan cunista cuntooyinka iyo waxyaabaha kale ee laga helo Fiitamiin A sida uu sharxayo Dr. Shiine: “Horta ilaahay mahadi ha ka gaadhee dadka Soomaalida ah Fiitamiin A kuma yara ee Eeshiya sida Hindiya ayuu ku yar yahay. Maxaa yeelay dadka Soomaalida ahi waa kuwo hilibka xoolaha cuna oo oonta amma hilibka xoolaha ayaa laga helaa Fiitamiin A. Dufankana waa laga helaa, khudradda waa laga helaa.
Markaa waa naadir oo waqtiyada abaaraha ayuun baa la arkaa yaraanshaha Fiitamiin A. Laakiin marka ay noloshu iska caadi tahay A waa jiraa oo waddankeena kuma yara.” Ayuu ayuu yidhi Dr. Shiine.
Dr. Shiine Ayaa noo sheegay in dadka ku nool meelaha xeebaha ah ay yihiin dadka ugu liida xagga indha ee aan waxba laga qaban karin indhahood, taasna ay sabab u tahay kulaylka faraha badan ee ku dhaca, isagoo tilmaamay in dadka hilibka xoolaha cunaa ay yihiin kuwa ugu indhaha wanaagsan, isaga oo arrintaa sharxayana wuxuu yidhi:
“Horta dadka ugu liita ee aan indho la’aantooda wax ba laga qaban karini waxay u badan yihiin dadka xeebaha ku nool. Dadka xoolo-cunka ah ayaana ugu indho wanaagsan. Anigu reer Baydhabo ayaan arkay’oo xaqiiqatan waa dadka ugu indhaha wanaagsan, ma aqaan sababtu waxay tahay waxaasne filayaa inay tahay hadhuudha ay cunaan. Laakiin Soomaalida inteeda kale way isku dhawdhaw yihiin. Dadka reer Jabuuti xagga caafimaadka Indhaha Soomaalida inteeda kale ayaa ka indho wanaagsan.”
Xoqista amma marmarista faraha ee uu qofku Indhahiisa ku sameeyo ayaa iyana qayb ka ah indho la’aanta, iyadoo ay xaqostaasi dhaawac culus u gaysato qaybta madaw ee indhaha qofka, Dr. Shiine mar kale arrintan ha inoo sharxo:
“Waxaa xusid mudan xanuunkan alerjiga ah ee cuncunka keena, wuxuu sababaa in xoqista faraha badan ee ilmuhu indhihiisa xoqaa ay keento inuu yaraado koorniyada oo ah qaybta madaw ee isha. Taas oo sababaysa in biyaha indhaha ku jiraa ay soo riixaan koorniyada, markaa inta ay soo dhuubato ayay samaynaysaa wax loo yaqaanno ‘karatak koonas’ xanuunkanina maaha mid wax looga qaban karo waddankeenna. Wuxuu qofku u baahanayaa in inta madawga laga jaro in qof dhintay madawgiisa laga soo jaro dadadeed qofka lagu talo.
Markaa waxa loo baahan yahay in ilmaha aad looga ilaaliyo xoqidda indhaha. Hooyooyinka waxa la farayaa inay aad iyo aad uga ilaaliyaan in ilmahoodu indhaha xoqaan oo ay gacanta ku marmaraan, dhibaato weyn ayaana halkaa ka imanaysa. Haddii cuncunkaa ku ay arkaan waa inay markiiba la soo xidhiidhaan dhakhaatiirta si dawo cuncunkaa ka biinaysa loo siiyo.”
Marar badan ayaad arkaysaa qofka meel madaw oo aan iftiin badan lahayn wax ku daawanaya amma wax ku akhniya, hab-dhaqankani saamayn ma ku leeyahay indhaha, waxa aan su’aashan inoo iftiiminaya Dr. Dhiine: “Horta meel madaw inaad wax ku daawato aad bay khatar u tahay waxaana ay kicin kartaa xanuunka la yidhaahdo ‘angal kaloosidh galokooma’ waxa kale oo ay kicin kartaa xanuunka dhanjafka la yidhaahdo. Horta guud ahaan waxa fiican in hor-fadhiga Tv-ga la yareeyo waana talo aan jeedinayo.
Waayo Tv-ga la hor fadhiisto waqti badan ayaa ku luma, ardayda wax baranaysana memoriga (qaybta wax kaydisa ee maskaxda) wuu ka buuxiyaa. Qodobka labaad, bacadka amma iftiinka badan in qofku wax ku akhriyaa ma wanaagsana, iftiinka aadka u yarna inuu wax ku aqriyaana ma wanaagsana oo labadaba indhaha ayaa qofka ku xanuuna. Inkasta oo aan la xaqiijin saamayn joogto ah oo ay keenaan.”
Dad badan ayaa aaminsan in qiiqa iyo basaasta madaxu inay indho la’aan keenaan, walaw aanu qof keliyi kuu sheegayn inuu dhakhtar u caddeeyey. Haddaba labadan arrimood ayaan hordhigay Dr. Shiine oo sidan ku jawaabay oo yidhi: “Inta aynu ka ognahay caafimaadka indha salidda madaxa la mariyaa wax badan kuma kordhiso caafimaadka indhaha.
Laakiin in aad dufan cunto waxa aad ka helaysaa Fiitamiin A. afar fiitamiin ayaana laga helahaa amma ku milma dufanka waxaana la yidhaahdaa ADEK (Fiitamiin A, D, E iyo K) inta ba waxa laga helaa wax dufan leh. Markaa waa lato wanaagsan in qofku cunto dufan leh cuno oo aanu dufanka iska ilaalin. Ta qiiqa haddii uu qofku allerjik (allergic) ku yahay amma qiiqaha sigaarka oo dad badan indhahooda waxyeelleeya saamayn wuu yeelanayaa.
Waxa kale oo jira cuntooyin uu qofku Allergic ku noqon karo sida kalluunka iyo digirta oo dad badan cuncun ku keena, taana waa la arkaa. Waxa kale oo indhaha u wanaagsan khudradda ay ka midka yihiin dabacasaha iyo kuwa cagaaran. Dufanka iyo hilibkuba aad bay ugu wanaagsan yihin indhaha.”
Heersare iyo Dr,Shiine.
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open